Assalaamu Caleykum ?Alexander,
Laga soo bilaabo sanadkii 2007, Shirkadda ILEYS INC. waxa ay shirkadaha Ganacsiga, Hay''adaha Dowliga ah, Hay''adaha Maxalliga ah iyo shaqsiyaadka kaleba siisaa adeegyo tayo sare leh oo la xiriira website-yada.
Shirkaddu waxa ay si joogto ah u casriyeysaa agabyada kala duwan ee lafdhabarka u ah habsami u socodka adeegyada ay shirkaddu bixiso, iyada oo aan wax qarash ah ku soo kordhin macaamiisheeda.
Haddaba, si ay shirkaddu u daboosho baahida macaamiisheeda sii kordhaya isla markaana ay u tayeyso adeegyada ay siiso macaamiisheeda hore, waxa ay shirkaddu diyaarisay Infrastructure cusub oo loogu talagalay in lagu host-gareeyo macaamiisha isticmaala adeegyada Shared Web Hosting iyo Reseller Web Hosing.
Infrastructure-ka cusub waxa uu shirkadda u suurogalinayaa in ay host-gareyn karto in ka badan laba jibaar website-yada ay hadda host-gareyso, sidoo kale Infrastructure-ka cusubi waxa uu sare u qaadayaa xawaaraha,?waxqabadka iyo isku-halleynta website-yada ay hadda shirkaddu Host-gareyso (Speed, Performance and Reliability).?
Waxaa farxad weyn u ah maamulka iyo shaqaalaha shirkadda ILEYS INC. in uu hadda diyaar noqday infrastructure-kii cusbaa oo si wanaagsan loo tijaabiyay, isla markaana dhawaan la bilaabayo howsha wareejinta website-yada.
Howsha wareejinta website-yada waxaa la bilaabayaa habeenka uu Jimcaha soo galayo Saq-dhexe July 10, 2020 - 12-ka Habeenimo, waxa ayna socon doontaa qiyaastii 48 saacadood. ?
FAAHFAAHINTA HOWSHA LA QABANAYO
Howsha: Infrastructure cusub ayaa website-yada loo wareejinayaa? Macaamiisha ay saameyneyso: Shared Hosting & Reseller Hosting Clients Muddada Howshu soconeyso: 48 Saacadood Qiyaastii Goorta Howsha la bilaabayo: 10-ka July, 2020 - 12:00 EAT Saq Dhexe Goorta Howsha la dhameynayo: 12-ka July, 2020 - 12:00 EAT Saq Dhexe Muddada Website-yadu hawada ka maqnaanayaan: Website-yadu marna si toos ah hawada ugama maqnaanayaan, waxaase dhici doonta in aad dareento googo' ama mararka qaar in website-kaagu kuu furmi waayo, googo'aasi waxa uu socon doonaa muddo 24 saacadood ah inta uu si rasmi ah uga baahayo DNS-ka cusub.
FIIRO GAAR AH:?
- Arrintani ma saameyn doonto?macaamiisha isticmaala adeegyada:
Dedicated Servers & VPS Servers.?
- Dhammaan waqtiyadu waa saacadda Afrikada Bari
Gebogebo Howshani waa howl ay si joogto ah u qabato shirkadda ILEYS INC, mana fileyno in ay wax caqabado ah naga hor iman doonaan insha Allah.
Haddii aad qabto wax su''aal ah oo arrintan la xiriira fadlan email noogu soo dir support@ileysinc.com
Mahadsanid
WAAN KU FARAXSANNAHAY IN AAD MACMIIL NOO AHAATO.
|